Madaxweynaha Somaliland Oo Caawa Shacabka Hargeysa La Dabaaldegay
Hargeysa, May 17, 2024 (Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa shacbiga Caasimada oo isugu soo baxay barxada Taaladda Taariikhiga ah ee ay saaran tahay Diyaaradii lagu xasuuqay shacbigii aan waxba galabsan ee reer Somaliland oo ay ku sugnaayeen kumanaan dad ah oo u dabaaldegayey maalinta dib ula soo noqoshada Madax-bannaanida Somaliland ee 18 May oo ay ka soo wareegtay 33 Sanno, ayuu madaxweynaha Qaranku caawa la dabaaldegay, isagoo markii danbena u gudbay qaar ka mida Degmooyinka Caasimada Hargeysa oo iyana ay isugu soo baxeen bulshada qaybeheeda kala duwani.
Leave a comment