Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Ciidamada Ka Tacsiyadeeyey Geerida General Cabdiraxmaan Fooxle Oo Maanta Hargeysa Lagu Aasay

Hargeysa, May 25, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka Asluubta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee General Marxuum Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 25/05/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey mujaahid hawlkar ah oo qaranka tacab badan geliyey, aqoon dheeraadana u lahaa hab-maamulka ciidamada, kana mid ahaa saraakiishii qaybta weyn ka qaatay aas-aaska ciidanka qaranka Somaliland oo uu markii danbena ka soo qabtay xilal kala duwan, intaanu uga wareegin ciidanka booliska oo uu ka gaadhay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland oo uu muddo dheer ahaa, balse sannadkii 2019kii ayaa mar kale loo bedelay taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland oo uu ilaa hadda ahaa.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ka dhiidhiyey kana dagaalamay xasuuqii Keligii taliyihii macagaga ahaa ee Siyaad Barre sideetamaadkii ku hayey shacbiga Somaliland oo uu ka talaabay isagoo ah gashaanle sare kuna biiray ciidankii SNM ee dhaliyey dib ula soo noqoshadii xornimada madax-bannaanida Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*