Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Dawlada Iyo Shacabka Jabuuti.

“Anniga oo ku hadlaya magaca Dawladda iyo ka Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Dawladda iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti oo aan ku hambalyeynayno guusha taariikhiga ah ee ay ku hanteen Hoggaanka Fulinta ee Ururka Midowga Afrika.

Guushan taariikhiga ahi waxa ay markhaati u tahay saamaynta diblomaasiyadeed ee sii kordhaysa ee ay Djibouti ku leedahay guud ahaannba Qaaradda Afrika iyo sida ay Djibouti uga go’an tahay horumarinta iskaashiga Qaaradda. Dawladda Djiboutina waa dal u heellan hagaajinta danaha ka dhexeeya Waddamada iyo Shucuubta Qaaradda Afrika.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa ka dhexeeya xidhiidh walaaltinimo iyo xidhiidh taariikhi ah, waxaanan ku kalsoonnahay in Hoggaaminta dalka Jabuuti uu Midowga Afrika u horseedi doono horumar la mahadiyo, xag-nabadgelyo, xag-dhaqaale iyo xagga bulshadaba.

Mar labaad, waxa aan Dawladda iyo Shacabka Jabuuti ee aanu walaalaha nahay ku hambalyeynayaa Guushan Taariikhiga ah. Waxa aan Jabuuti u rejaynaynaa in ay ku guulaysato gudashada xilkan muhiimka ah ee loo doortay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*