Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Ciidamo Ka Socda Masar Iyo Turkiga Oo Xamar La Keeno Iyo Dhibaatada Ay Keeni Karaan

Burco, August 17, 2024 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay ciidamo ka imanaya dawladaha Masar iyo Turkiga oo la keenayo Somalia, kuwaas oo Madaxewyne Biixi uu tilmaamay inay mushkilad iyo dhibaato riiq dheeraata inay ku soo kordhiyaan mooyaane aanay waxtar u yeelan doonin ciidamadaasi Somalia.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay qabka qofka Somaliland iyo qiimaha ay ku joogto jacaylka qaranimada dalku, waxaanu yidhi Madaxweyne Biixi oo ugu horayn ka hadlaya Amniga Qaranka Somaliland iyo dagaalada badan ee Siyaasadeed iyo Colaadeed eek u socda Somaliland.

“Hadaan usoo noqdo maanta carqaladaha jira oo aan mid iyo laba ka tilmaamo, ta koowaad waa amniga qaranka, Somaliland maanta dagaalo badan ayaa ku socda oo siyaasad leh oo colaad leh oo aan dhaafsiisan dalalka aynu jaarka nahay oo aaminsan in Somaliland tahay mid caalamka oo dhami ku kala qaybsan yahay in taageersan iyo in leh maxay Somaliland heerkan u gaadhaysaa ama ay xoriyadeeda ugu dagaalamaysaa.

Waxaanay se ogayn qiimaha iyo dal jacaylka qofka Somaliland iyo qabkiisa inaan la taaban Karin, aduunka intuu ku noolyahayna Illaahay mooyaane aan bini’aadam kale taladiisa qaban Karin ilaa intay noolyihiin, iyaga iyo qayrkoodba.

Maalmahan waxa xoog u socda shirar dalwadda turkigu ay hoggaaminayso oo ay xulafo ku yihiin Masar iyo Turkiyga iyo dawladda Xamar ee taagta daran, waxa lagu amray oo Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaa ilaa saddex cisho ka hor in ciidamadii AMISOM oo imikana la yidhaahdo ATMIS oo caalamku ugu deeqay muddo ka badan 20 sano oo wakhtigoodu dhamaaday oo ay ka daaleen kuwii lacagta siin jiray oo ay ugu horayso Midawga Yurub oo ay ku xigto dawladaha Galbeedka sida Ingiriiska Iyo Maraykanka ay ka daaleen Bilyaniska ay ku shubeen in ciidamadii wakhtigoodu dhamaaday la leeyahay ha sii joogeen inta cid badasha loo helayo. Laba dawladood ayaa balan qaaday inay ciidan keenayaan oo ay iskood u keenayaan kuna ilaalin doonaan inta ay joogto dawladda Xamar. Labadaa dawladood waa Turkiga iyo Masar, Turkigu wuxuu u dagaalamayaa oo uu u doonayaa inuu garab taagnaado Xamar ‘waa danaha dalkiisa ayuu ka dhex arkayaa, dawladd waliba waxay ku dedaashaa danaha dalkeeda’, muxuu Turkigu Somaliland ula dagaalamayaa oo uu u garab taagan yahay dawlada Xamar ‘waxa weeyi mudadii uu joogay ee uu xodxodanayey, Somaliland waxa uu ka waayey inay usoo liicdo oo ay ka soo liicdo qaranimada Somaliland waxaan ahayn in laga wadahadlo, isagu waxa uu doonayey inuu inagu celiyo Xamar.

Turkiga Waxaan u sheegayaa hadii muddo dhawr iyo toban sano ah aad wateen sasabasho iyo xodxodasho oo Somaliland ay kaa diiday ‘inkastoo aad gaadhay horumar ciidan iyo mid tignoolajiyadeed’ intaba waxa ka xoog weyn xoriyada Somaliland.

Somaliland way ka xoog weyn tahay, waxay wayday cid warkeeda banaanka u saartee wixii ka dhacay 1988-kii way ka xoog weynayd waxa ka dhacay maanta Qasa” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi oo maanta khudbad ka jeediyey Jaamacada Burco.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*