Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Hoggaamiyeyaasha Ururada Siyaasada
Hargeysa, July 11, 2022 (Haatufonline) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah madaxda ururada siyaasada. Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo arrimaha ururada siyaasada.