Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Ku Tagay Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta
Hargeysa, January 26, 2025 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa safarkiisii ugu horreeyay saaka ugu ambabaxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.
Safarkan oo Madaxweynaha Somaliland ay ku wehelinayeen masuuliyiin xukuumadiisa ka tirsan ayaa yimid ka dib markii martiqaad rasmi ah ay ka heleen dalkaasi Carbeed, kaas oo diyaarad khaas ah usoo diray Madaxweyne Ciro iyo Weftigiisa.
Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu madaxweynuhu dibadda ugu baxo tan iyo markii xilka loo dhaariyay 12 December, 2024. Waxa hore loo filayay in safarkiisa koowaad uu ku tagi doono dalalka Jabuuti ama Itoobiya.
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa saaxiib dhow la ahayd xukuumadihii xisbiga Kulmiye, taas oo sababtay in ay boqollaal milyan oo dollar uu Imaaraatku ku maalgeliyo dib u dhiska Dekedda Berbera, Madaarka Berbera iyo waddada isku xidha Berbera iyo magaalo-ganacsiyeedka Wajaale.
Madaxweynaha waxaa waftigiisa ku wehelinaayey; Wasiirka Arimaha dibada , Wasiirka Madaxtooyada , Wasiirka Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha , Taliyaha Sirdoonka , La-Taliyaha sare ee Madaxweynaha ee Arimaha Dhaqaalaha , Madaxa xafiiska madaxweynaha Iyo Hawl wadeeno kale .
Sidoo kale safarka madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey marwada koowaad ee Qaranka Marwo Farduus Maxamed Rooble.
Madaxweynaha iyo waftigiisu waxay ku sugnaan doonan dalka Imaaraadka carabta muddo saddex cisho ah iyo kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dawladda Imaraadka Carabka kalana hadli doonan arrimo mudnaan u leh labada dawladood iyo labada shacab. Muddada uu Madaxweynuhu booqashada rasmiga ah ku joogo dalka Imaraadka Carabta waxuu kulan la yeelan doona jaaliyada reer Somaliland ee ku sugan dalka Imaraadka Carabta .
Leave a comment