Latest News

“Waxaan Rajaynayaa In Maraykanku Uu Noqdo Dalka Ugu Horeeya Ee Aqoonsada Somaliland” Madaxweyne Ciro.

Dubai, February 11, 2025 (Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)  iyo waftigii uu hogaaminaayey ayaa  ka qeyb galay Shir-weynaha Dawladaha Adduunka ee sanadka 2025, oo ka dhacay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa shirkaasi oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 6,000 oo qof ka jeediyey khudbad dheer, su’aalo badana kaga jawaabey.

Ugu horayn Madaxweynaha Somaliland mar uu ka hadlayey muhiimada dekeda Berbera ay u leedahay u adeegista wadamada aan Badda lahayn ee Afrika ayaa waxa uu yidhi “Dakada Berbera waa deked can ka ah Badda Cas, waa dakad qadiimi ah, DP World-na waxay ku maalgalisay $400 milyan oo dollar, dekeda Berbera way casriyowday awoodeeduna way korodhay, waxaanay noqotay deked u adeegi karta badi wadamada Afrika ee aan dekedaha lahayn, gaar ahaana wadanka aanu macmiilka nahay ee aanu saaxiibka nahay ee Ethiopia oo ay ku nool yihiin dad ku dhaw boqol iyo afartan milyan oo qof” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka hadlayey shirkaasi caalamiga ah eek a dhacay dalka Isku taga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro mar uu ka hadlayey xaaladda Ictiraaf Raadinta ee Somaliland iyo dedaalada ay ugu jirto ayaa waxa uu yidhi “Somaliland waxay muhiim u tahay Istaraatajiyada dunida, waxay leedhaay 850KM oo xeeb ah oo ku dhereran gacanka Cadmeed. Xiligii dagaalkii qaboobaa dekeda Berbera waxay saldhig u noqotay quwadaha dunida ee ay ka midka yihiin Maraykanka iyo Ruushka.

Somaliland waxay madaxbanaanideeda heshay 1960kii balse nasiibdaro waxay xoriyadeedii iyo madaxbanaanideedii ay u gacan galisay Somalia si loogu halgamo helista dhulkii Soomaalida oo dhan, taasi oo keentay inay isku biiraan kowdii July. Mar kale ayay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda 18kii May 1991kii balse Somaliland ilaa wakhtigaasi aqoonsi kamay helin wadamada caalamka.

Somaliland waa wadan dimuqraadi ah oo awooda xukunka si dimuqraadi ah loola kala wareego, marka la eego nidaamkayaga dimuqraadiga ah waxaanu filaynaa in dunidu ay ka garawdo oo ay nagu abaal mariso hanaanka dimuqraadiga ah.

Xidhiidh wanaagsan ayaanu la leenahay Maraykanka,  Ingiriiska iyo wadamo badan oo dunida ah, waxaan rajaynayaa in Maraykanku uu noqdo dalka ugu horeeya ee aqoonsada Somaliland” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaaahi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*