Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Madxafka Qaranka Oo Madaxtooyadu Hirgalisay

Hargeysa, June 29, 2024 (Haatufonline) – “Madaxwayne Muusue Biixi ayaa galabta xadhiga ka jaray Hoygani. Waa hoy la dhigayo taariikhda iyo agabka dalkeenu leeyahay, waxaana loogu talogalay in bulshada Somaliland iyo dalxiisayaashu ay booqdaan oo ay ka bartaan taariikhda Somaliland.

Hoyga Taariikhda Somaliland waa goob dan guud ah oo bulshada ka dhexeysa oo la dhigayo laguna xafidayo taariikhda iyo agabka umaddeenu leedahay. waa xarun abtirsiineed oo jiilka maanta jooga ku xidhaysa kuwii ka horeeyay. Waa goob waxbarasho iyo aqoon korodhsi oo lagu barto, cilmi baadhisna lagu sameeyo.

Hoygani waxa uu ka koobanyahay qaybo kala duwan, sida qayb lagu soo bandhigo agabkii hiddaha iyo dhaqanka ay u lahaayeen dadka reer Somaliland. Waxa kale oo ka mid ah qayb lagu soo bandhigayo aasaarta kumanaanka sanadood ka hor ay adeegsan jireen dadkii xilligaasi noolaa iyo qaab-nololeedkoodii. Waxa iyana jiri doona qaybo lagu soo bandhigayo taariikhdii Somaliland ee hore iyo tii danbeba oo maqal, muuqaal Iyo qoraalba ah.”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*