Madaxweyne Ciro Oo Sheegay Inuu Garab Taagan Yahay Ganacsatadii Khasaaruhu Ka Soo Gaadhay Dabkii Gubay Suuqa Idaacada.
Hargeysa, February 3, 2025 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta booqday soona kormeeray khasaaraha ka dhashay dabkii xalay qabsaday suuqa ganacsiga ee gobonnimada, qaybtiisa Idaacadda ee magaalada.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha Wasiirrada, qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, maayar-ku-xigeenka caasimadda, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda karirsan, ayaa indhihiisa ku soo arkay dhibaatada uu dabkaasi gaadhsiyey hantidii goobahaas taallay, waxana uu caddeeyey in xukuumadda uu hoggaamiyaa si buuxda u garab taagan tahay dadkii khasaaruhu soo gaadhay.
Ugu horrayn, madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu muujiyey sida uu uga xun yahay khasaaraha ku dhacay dadkii halkaas ku ganacsanayey, isaga oo u duceeyey, Eebbena uga baryey inuu ciwad khayr qaba ka siiyo, waxana uu yidhi, “Waxa aan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa ganacsatada suuqa Gobonnimo, khasaaraha iyo dhibta soo gaadhayna qaranku wuu la qaybsanayaa, wuuna ka xun yahay, waxana aan Ilaahay uga. Baryayaa inuu wax khayr qaba ugu. Beddelo.”
Madaxweynuhu waxa uu shacabka ugu baaqay inay gacan siiyaan dadka khasaaruhu gaadhay, kana qayb qaataan qaadhaanka dadkaas loo ururin doono, isaga oo xusay talo qaran laga yeesho sidii looga hortegi lahaa dabka soo noqnoqda ee khasaaraha ku haya bulshada iyo dhaqaalaha Somaliland.
Ugu dambayntii, madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhibka dhacay loo saaray guddi farsamo, kuwaas oo soo dersi doona talana ka keeni doona sidii looga soo kaban lahaa khasaaraha dhacay.
Leave a comment