Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Dhisme Iyo Qalab Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Mad-bacadda Qaranka

Hargeysa, January 30, 2021 (Haatufonline) – Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xadhiga ka jaray dhisme laba-dabaq ah iyo qalab tiro baddan oo ay yeelatay Mad-bacadda qaranka Somaliland.
Ugu horrayna waxa sharaxaad ka bixiyey dhismahaa iyo agabkaasi Maareeyaha Mad-bacadda Qaranka oo sheegay in qalabkani awood dheeraada ku soo kordhiyey shaqadii madbacadu hore u haysay, islamarkaana isku-filnaansho buuxda ay gaadhay mad-bacaddu diyaar na u tahay in ay daabacdo guud ahaan macluumaadyada qoraalka ah ee dawladda.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo khudbad halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la isticmaalo mad-bacadda qaranka, waxaanu ku boorriyay wasaaradaha iyo xarumaha kale ee dawladda inay warbixinahooda qoraaleed ka daabacdaan madbacada qaranka. Waxaanu yidhi ”Ammaanka xogta ayay muhiim u tahay in la isticmaalo mad-bacadda qaranka, lacag baddan ayaa gashay halkan, waxa loo baahan yahay inay lacagtaas soo saarto mad-bacaddu oo aynu isticmaalno shacab iyo dawladd-ba, sida la sheegay waa qalab muhiim ah“.
Wa-bilaahi Tawfiiq
Leave a comment