Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Socdaal Lagu Soo Daynayo Dhalinyaro Tababar Loogu Qaaday Eritrea Ugu Ambabaxay Asmara
Muqdisho, July 9, 2022 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Socdaal ugu Ambabaxay dalka Eritrea.
Socdaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salka ku haya sidii uu Madaxweynaha Eritrea uu ugala hadli lahaa dib usoo celinta dhalinyaro uu Madaxwenihii hore Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu tababar ugu qaaday dalka Eritrea sanadihii 2018 iyo 2019kii, kuwaas oo qaar badan oo soo baxsaday ay sheegeen inaan la daryeelin, halka kuwo kalena ay dhinteen intii tababarku socday, siday dawlada Somalia sheegtay.
Safarka Madaxweynaha Somalia uu ku tagay Eritrea oo VillaSomalia ay sheegtay inuu qaadan doono 4 maalmood, ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadli doonaan xidhiidhka labada dalka.
Balse VillaSomalia ayaan ka hadal warar sheegaya lacago madaxfurasho ah oo dhalinyaradaasi dawlada Eritrea u haysato, in la bixiyey iyo in kale.