Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Haweeyey Caasimada Dalka.
![Mr Biixi](https://www.haatufonline.com/wp-content/uploads/2025/02/Mr-Biixi-620x264.jpg)
Hargeysa, February 11, 2025 – (Haatufonline) – Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey caasimada Somaliland ee Hargeysa kadib safar shakhsi ah oo uu dibada ugu maqnaa.
Soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa madaarka diyaaradaha ee Cigaal ku qaabilay hoggaanka xisbiga KULMIYE oo uu horkacayey Guddoomiyaha xisbiga, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, xildhibaano, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, wasiirro hore, siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed, iyadoo barxadda hore madaarkana ay ku soo dhaweeyeen dadweyne fara badan iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo sitay calanka xisbigaasi oo wadooyinka hareeraheeda taagnaa.
Intaa kadib waxa Madaxweynaha loo soo gelbiyey gurigiisa magaalada, waxaana waddooyinka xaafadda Shacabka ilaa afaafka guriga istubay oo si weyn u soo dhaweeyey boqolaal taageerayaal ah oo lulayey Calamada Qaranka Somaliland iyo ka xisbiga KULMIYE.
Soo dhaweyntaa kadib waxa dadweynaha fagaare kala hadlay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE – Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Cabdicasiis Samaale oo uga mahadceliyey dadweynaha sida quruxda badan ee ay u soo dhaweeyeen Madaxweynahoodii hore.
Ugu dambayn, Madaxweyne hore, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna si weyn ugu manaqnay shacabkii faraha badnaa ee farxadda ku qaabilay.
Leave a comment