Maraykanka Oo Cunaqabatayn Saaray Milatariga Eritrea iyo Xisbiga Xukuma Dalkaasi
Washington, November 12, (Haatufonline) – Dawlada Maraykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay militariga Eritrea iyo xisbiga talada haya ee dalkaasi, maadaama oo ay ka qeyb qaateen dagaalka iyo colaada Ethiopia oo ay ku barakaceen in ka badan 2.5 milyan oo qof, kuna dhinteen kumanaan kale.
Bayaan ay soo saartay Jimcihii maanta, Waaxda Maaliyadda Maraykanka waxay ku sheegtay inay cunaqabatayn saartay Ciidamada Difaaca Eritrea iyo Jabhadda Shacabka ee Dimuqraadiyadda iyo Caddaaladda, iyo sidoo kale shakhsiyaad iyo hay’ado kale.
Joogitaanka ciidamada Eritrea ee Itoobiya ayay waaxdu ku eedaysay inay caqabad ku yohiin joojinta dagaalka socda iyo kordhinta gargaarka bini’aadantinimo ee dalka Ethiopia.