Maraykanka Oo Kordhiyey Xubnaha Dawlada Somalia Ee La Saaray Xayiraada Dhinaca Socdaalka
Washington, March17, 2022 (Haatufonline) – Xoghayahab Arrimaha Dibada ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in dawladiisu ay kordhisay xubnaha dawlada Somalia ee ay ku soo rogtay xayiraadaha dhinaca Fiisaha dib markii ay ku guuldareysateen dhameystirka doorashada aqalka hoose oo ku ekayd 15-ka March.
Wasiirka arrimaha dibaddu waxa uu sheegtay in dawlada Maraykanku iyadoo raacaysa siyaasad ay ku dhawaaqay 8-dii February, oo qeyb ka ah sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, inay xaddidayso bixinta fiisaha kuwa la rumeysan yahay inay carqaladeynayaan hannaanka dimoqraadiyadda ee Soomaaliya.
“Mareykanka wuxuu si weyn u taageerayaa dadka Soomaaliyeed iyo sida ay uga go’an tahay dimuqraadiyadda. Waxaan kordhinayaa tirada shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee lagu hayo xannibaadaha fiisaha, kuwaas oo ku howlan wiiqitaanka hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya,” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka antony Blinken
Inkastoo dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay horumaro laga sameeyay doorashada aqalka hoose lana doortay tiradii ugu badnayd ee barlamaanka, haddana dowladda Maraykanku waxay sheegtay inay weli jiraan warbixino lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan khaladaad ka dhacay habraaca doorashada, Saxafiyiinta iyo xubnaha mucaaradka ah oo lagu sameeyay cagajugleyn, iyo xarig.
Ugu dambayn wuxuu sheegay Maraykanku inuu wadi doono siyaasadda isla xisaabtanka, tasoo uu sheegay in lagu taageerayo soo gabagabeynta degdegga ah ee hannaanka doorashada Soomaaliya si lagu kalsoonaan karo oo hufan.
Maraykanka ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyo magacyada shakhsiyaadka uu kusoo rogay ama hadda kusoo rogayo cunqabataynta dhinaca fiisaha dalka ku galka.