Latest News

Marka Dal Dayn Ka Daldasho Shiinaha Sida Laos Ayuu Ku Dambeeyaa

Haatufonline,July 18,2024

Dalka yar ee Laos ayaa waxa mixnad ku noqotay dayman badan oo ay ku yeesheen baanan shisheeye ah kuwaasoooo tobankii sanadood ee u dambeey dalkaas ku hafiynayey lacago amaaho ah oo ay Laos maanta iska bixin bixin kari la’dahay.

Laos oo ay 8 milyan ku noolyihiin oo Faransiisku gumaysan jiray ayaa isku daldalay lacago balaayiin Doolar ah oo ay badankeeda ka amaahdeen dalka Shiinaha iyadoo sanadkii 2023
daynka lagu yeeshay lagu qiyaasay $ 10.5 bilyan taasoo siday IMF-tu sheegtay u dhiganta 122% waxsoosaarka maxaliga ah(GDP) ee dalkaasi oo dhan.
Lacagahan amaahda ah waxay Laos ku kharash garaysay dhismaha wadooyin,biriijyo iyo dhaamam laga dhaliyo tamarta laydhka.
Hasayeeshee Laos waxay haatan qarka u saarantahay inay noqoto dal kacay oo mufalisay taasoo ku keeni karta dhaqaale burbur iyo shirkadaha iyo baananka aduunka oo ka aamin baxa la macaamilka dalkaasi.
Laos waxa lagu dhaliilaa in aanay isu miisaamin daymanka badan ee ay galaysay ee ay ku dhisaysay kaabeyaasha dhaqaale(infrastructure) iyo baahiyaha kale ee jira ee Caafimaad iyo Waxbarasho iyo Shaqo-abuur intaba leh iyadoo lacagti lagu dabooli laha baahiyahaasi ay noqotay in lagu bixiyo daymanka xad-dhaafka ah ee dalka lagu leeyahay.
Shiinaha laftiisa ayaa dhaliisha wax ku yeelanaya maa daama ay Laos galiyeen dayman cul culus oo dalkaasi iska bixin karayn.
Inkastoo ay dawladda Shiinuhu beeniso,hadana waxa lagu xantaa in ujeedada amaahda ay siiso dalalka dunida sadexaad aanay ku koobnayn faaiidooyin dhaqaale oo ay ka hesho balse ay ku lifaaqanyihiin dano kale oo ay ka midiyihiin in Shiinuhu saamayn siyaasadeed ku dhex yeesho dalalkaasi.
Hadaba iyadoo la ogaa wixii dhawaan ka dhacay Kenya iyo kaalinta ay daymanka shisheeye ku lahaayeen ,waxay xaaladdan dhaqaale ee cakiran ee ay maanta Laos ku jirtaa cashar iyo digniin cusub u tahay dalalka soo koraya ee iyagoon ka fiirsan sida sibiqda ah u galaya dabinka daymanka shisheeye.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*