Latest News

Marka Kibirka Iyo Khuraafaatku Kuu Geeyaan Inaad Caasha-Badhi Cunto Ama Qoroto Rabaysato

Haatufonline,September 16,2023.

Waxaynu joognaa saban ay dadka qaarkood intay khuraafaadka aaminaan ay dawo ka dayaan boqol midh oo Caasha-Badhi ah oo ay hilbahooda cunaan, ama ay ladnaantuba ku dhaliso hami ah inay yeeshaan harimacad rabaayad oo ay guryahooda ku haystaan.
Noocyo badan oo xayawaanka ka mid ah ayaa dunida ka dabargo’ay ama qarka u saaran inay ka dabargo’aan kadib markii xaaluf ku dhacay deegaankii ay ku noolaan jireen
ama uu aadamuhu ka caydhiyey.
Hadaba maanta waxa la odhan karaa in mushkiladda ugu wayn ee khatarta ku ah sii jiritaanka xayawaankii ku noolaa duurka ama biyahu ay tahay ganacsiga sharci darada ah ee lagu hayo ee ooda goostay.

Baayac mushtarka dunida ka jira ee laga sameeyo dhoofinta sharci darada ah ee ugaadha waxa lagu qiyaasaa ilaa 23 milyaar oo doolar sanadkii waxaana u sabab ah laba arimood :
1) Dada tiro badan oo ay ka dhaadhacsantahay in cudurada lagu dawayn karo ugaadha cunistooda.
2) Dhaqamo ka jira mujtamacyada qaar oo qofka meeqaankiisa lagu qiimeeyo ugaadha, gurguuratada,shimbiraha iyo cayayaanka uu gaarka u leeyahay. (Labadaas nooc kuma jiraan dadka iyagu si sharciga waafaqsan oon kootarabaan aheyn ku iibsada xabad ay rabaayad ka dhigtaan oo ay guriga ku haystaan).

Wadamada koonfurta Aasiya gaar ahaan dalka Shiinaha oo dakhliga dadku aad u kordhay qarnigan ayaa u badan meelaha dawo ahaan loo cuno hilibka ugaadha ama xubno ka mid ah jidhkooda sida geesaha wiisha ama noocyo ka mid ah kaluunka sida dhagaha libaaxa iyadoo dadkaasi ictiqaadsanyihiin in labadaas shay cunistoodu kordhiyan awoodda galmadda ee ragga. Barwaaqadi waxay keentay in waylo badan oo ku nool Afrika la dilo si geesahooda kootarabaan ahaan dibadda loogu dhoofiyo iyadoo kiilooga geeska wayshu uu suuqa madow ka joogo $60,000 halka nus kiilooga dhagaha libaaxa la kala siisto $450,hadaad gasho hudheelada cuntada ood dalbato maraqa laga sameeyo dhagaha libaax badeedkana lagama yaabo in $100 wax ka yar lagaa siiyo. Bishi February 2021 waxa madaarka caasimadda Somaliland ee Hargeysa lagu qabtay nin Masri ah oo doonayey in uu la dhoofo boqolaal midh oo Caasha Badhi ah ilaa dalka Shiinaha taasoo aheyd markii labaad ee Caasha-Badhi lagu qabto madaarka Hargeysa.
Dhinaca bariga Afrika marka loo kaco waxa kale oo si sharci darro ah looga dhoofiya ugaadh dabar go’aysa sida dhasha Harimacadka ee laga iibiyo nimanka dherag dhaafay ee ku nool dalalka Khaliijka halkaas oo la isugu faano tirada ugaadha ah ee uu qofku haysto gaar ahaan Harimacadka oo ay aad u jacelyihiin.
Somaliland ayaa in dhawaydba dagaal ba’an kula jirtay kooxaha tahriibiya ugaadha siiba Harimacadka, waxaana dhawaan laga furay xarun wayn oo lagu xanaaneeyo dhasha Harimacadka ee lagu qabto dadka ka ganacsada dhoofintooda. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo aanu dhawaan arintan wax ka waydiinay ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay xukuumaddisa uga go’antahay in la cidhib tiro ganacsiga sharci darada ah ee ugaadha waxaanu yidhi “Waxan marka hore bogaadinaya ciidamada Bilayska iyo kuwa Badda ee juhdiga badan galiyey sidii gacanta loogu dhigi lahaa ugaadha sida sharci darada ah loo dhoofinayo iyo dadka ka ganacsada tahriibinta ugaadhaasi gaar ahaan dhasha Harimacadka kuwaasoo ay tiro badan oo ka mid ah ay soo badbaadiyeen oo haatan lagu hayo xarun wayn oo ku taala Geed-deeble si loogu xanaaneeyo. Somaliland oo ah dal aan wali la aqoonsan hadana waxaynu safka hore kaga jirnaa xakamaynta iyo ka hortagga ganacsida sharci darada ah ee dhoofinta duurjoogta qarka u saaran dabar go’a kamana daali doono ee waanu sii wadi donaa”.

Waxa seh aan shaki ku jirin in loo baahanyahay iskashi dhab ah oo ay dawladaha manadaqadu ka yeeshaan arintan si wax-ka-qabashada ganacsiga sharci darada ah ee ugaadhu u noqdo mid ka taabo gala dhamaan wadamada mandaqada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*