Mashruuc Afur Loogu Qaybinayo Dadka Sooman Oo Bisha Cas Ee Imaaraadku Ka Waddo Muqdisho
Muqdisho,April 2022(Haatufonline)-Ururka Bisha Cas ee dawladda Imaaraadka Carabta ayaa xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho ka wada hawlo ay cunto afur ah ku siinayaan dadka tabaalaysan.
Barnaamijkan dadka Sooman lagu siinayo afurka waxa kafaalo qaadday Ladiifa Bin Maxamed Bin Raashed Al-Maktuum waxaana maalin walba cuntooyin bisil oo lagu afuro la gaadhsiiyaa ilaa lix boqol oo qoys oo danyar ah,agoomo,barakacayaal iyo dadka naafada culus ah iyadoo uu mashruucani kusoo beegmay xili ay maceeshadi aad u qaali garowday abaarana ay ku habsadeen dalka Somalia.
Dawladda Imaaraadka ayaa dhawaan dalka keentay raashin loogu talo galay dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay abaaraha iyo biyola’aanta iyadoo ay gargaarkaasi kusoo daabushay 4 dulimaad oo cirka ah iyo dooni kusoo xidhatay dekadda Muqdisho.