Latest News

Masuuliyiin Ka Tirsan Somaliland Oo Ka Qaybgalay Xafladd Loo Sameeyey Ciidamo Ka Qalin-Jabiyey Kuliyada Milatariga Ethiopia.

Addis Ababa, July 27, 2024 (Haatufonline) – Safiirka Somaliland ee dalka Itoobiya Amb.Adam Geedi Qayaad oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska mudane Faysal Maxamuud Siciid iyo u qaabilsanaha Waxbarashada Safarada Jamuuriyada Somaliland ee dalka Itoobiya Mudane Abdikhalaq Maxamed case, ayaa ka qayb-galay xaflad loo qabtay ciidamo ka qalin- jabiyey kuliyada tababarka ciidamada Milatari-ga dalka Itoobiya, Ciidamada waxa ku jiray Saraakiil ka socota dalka Jamuuriyada Somaliland.

Sidoo kale Masuuliyiintu waxa ay la kulmeen Taliyaha Ciidamada Military Dalka Itoobiy Field Marshal Birhanu Jula iyo Safiirka Kenya u fadhiya dalka Ethiopia iyo Madax kale duwan oo ka soo qayb-galay xaflada.

Safiirka Somaliland u jooga Itoobiya waxa uu ku  amaanay kuna hambalyeey dowlada dalka Itoobiya deeqaha waxbarasho ee ay siiso dalka Jamuuriyada Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*