Maxaa Hortaagan Macdanta Caydhin In Lagu Warshadeeyo Afrika Gudaheeda.
Haatufonline,September 4,2024
Dalalka horumaray ayaa faro baas ku hayo macdanta caydhiin ee Afrika laga helo taasoo marka dibadda lagu warshadeeyo loo adeegsado waxyaabaha dhaliya tamarta aan wisikhaysnayn ee cagaaran(Green/Clean Energy).
Qaybo muhiim ah oo ka mid ah qalabka tamarta ka dhaliya qoraxda(Solar) iyo dabaysha(Wind) ayaa waxa laga sameeyaa macdanta Afrika.
Tamartii laga dhalinjiray shidaalka oo loo aaneeyo inay qayb laxaad leh ka qaadatay isbadalka xun ee ku dhacay cimiladii aduunka ayaa keentay in loo guuro tamarta nadiifta ah(Clean Energy) ee aan waxyeelo u gaysanayn cimilada aduunka.
Wadamada ku qaniga ah macdanaha ee ay diiraddu saarantahay waxa ugu muhiimsan DR Kongo,Zimbabwi,Koonfur Afrika,Zambia iyo Guinea.
Macdanta loo adeegsado tamarta cagaaran ama nadiifta ah waxa ka mid ah Cobalt-ka iyadoo 70% kaydka aduunka ee Cobalt-ku ku jiro dhulka DR Kongo oo qudha.
Waxa kale oo ka mid ah Nuxaasta(Copper),ciidda(iron ore) nooca ugu fiican ee birta adag(steel) laga sameeyo iyo Lithium-ka laga sameeyo baytariyada telefoonada iyo baaburta aan shidàalka ku shaqaynin.
Hadaba waxa indhaweydba soo xoogaysanaysay fikradda odhanaysa waa in macdantaasi iyadoo caydhiin la dhoofinayo lagu warshadeeyaa dalalka macdanta soo saara gudahooda si looga sameeyo waxyaabahii ay dalalka horumaray ka samaysan jireen macdanta caydhin ee Afrika taasoo hadii ay hirgasho macdantii kusoo kordhinaysa qiimo siyaado ah ( added value).
Matalan dalka Indonesia wuxu gabi ahaanba joojiyey in dibadda loo dhoofiyo macdanta Lithium ee baytariyada laga sameeyo,waxaanu ku badashay in baytariyada laftoodii lugu sameeyo dalka gudahiisa oo markaas kadib loo dhoofiyo dibadda gaar ahaan Shiinaha oo isagu inta badan wada jumlata waxsoosaarka warshadaha baytariyada.
Hadaba shirkadaha Shiinaha ah ee macdanta farahabadan ee Afrika laga qodo u dhoofya dalkooda ayaa lagu dhaliilaa inay Afrikaanka hagranayaan oo halkii ay macdanta ku warshadayn lahaayeen Afrika gudaheeda ay dani ugu jirto inay iyadoo caydhin ay sicir jaban ku daldashaan.
Dawladaha dalalka macdanta dhoofiya laftooda ayaa qayb ku yeelanaya dhaliishaa maa daama aanay Shiinaha culays ku saarin inay macdanta caydhin lagu warshadeeyo gudaha dalalkooda.
Dhinaca kale Afrika badankeedu habeenkii way madowdahay tamar la’aan awgeed. Kolkaa Afriki maaha inay ka hadho tartanka tamarta cagaaran ee loo guurayo ee waa in ay barataa farsamooyinka ay macdanteeda u adeegsan karto sidii ay tamar(Energy) uga dhalin lahayd qoraxda iyo dabaysha Ilaahay ku manaystay.
Leave a comment