Maxaa Soo Kala Dhexgalay Alqaacida Iyo Alshabaab Ee Kala Fogeeyey
Muqadishu,August 28 20220(Haatufonline)-Waxa ururka Alqaacida caado u ahaan jirtay in sanadkasta ugu yaraan laba jeer ay fariimo iyo dhambaaalo boogaadin ah usoo diraan kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ee ka hawlgasha dalka Somalia. Hasayeshee muddo hadda kor u dhaaftay afar sanadood, warbaahinta Alqaacida lagama maqal wax bayaan ah oo ay ku taageerayaan kooxdii ay isku xidhnaayeen ee Alshabaab,waxaana soo ifbaxaya warar sheegaya in Alqaacida ay kalsoonidi kala noqotay xidhiidhkiina u jartay Shabaabka . Siday ilo u dhuun daloola arintani ay ku warameen, kala-xidhiidh- furashada labada dhinac ayaa waxay ku timid ka dib markii ay kooxda Alshabaab iska dhego marisay tusaalooyin iyo ammaro ay Alqaacida usoo dirtay inay ku dhaqmaan kuwaasoo intooda badani ku saabsanaayeen dadka rayidka ah ee faraha badan ee ku dhinta hawlgalada qarxinta ah ee ay Shabaabku ka fuliyaan dalka Somalia. Siday ilahaasi sheegeen ururka Alqaacida ayaa madaxda Alshabaab xoog ugu canaantay qaraxi isgoyska Soobe ee boqolaalka dadka rayidka ahi magaalada Muqdishu ku dhinteen sanadki 2017,waxaanay u sheegeen inay iska ilaaliyaan daadinta dhiiga dadka shicibka ah een waxba galabsan. ‘Waxa kale oo Alqaacida diideen in dadweynaha Somalia oo dhan lagu sheego dad murtaddiin ah oo dhigoodu xalaal yahay’.Ilahan xogogaalka ahi waxay intaas ku dareen oo ay sheegeen in inkastoo jawaabta ay madaxda Alshabaab kaga falceliyeen arintani aheyd inay aqbaleen awaamiirtii ay Alqaacida uso gudbisay hadana waxba iskama badalin qaabki arxandarada ahaa ee ay ku layn jireen muslinka rayidka ah markastoo ay hawlgal fuliyaanba, taasoo ka cadhaysiisay ururka Alqaacida isla markaana keentay in Alqaacida iska fogayso xidhiidhkana u jarto Alshabaab iyadoo iska ilaalinaysa in loo nisbeeyo habdhaqanka Alshabaabka ee aan cidna u kala aabo yeelin.
Leave a comment