Latest News

Maxaa Xiiso Tiray Dhiishash Bilaash Ah Oo Shiinuhu Ku Xidhay 10,000 Tuulo Oo Ku Yaala 23 Dal Afrikaan Ah

Haatufonline,September 3,2024

-Muddo hadda laga joogo 9 sanadood ayaa madaxwaynaha Shiinaha Xi Xinping mar uu madaxda dalalka kula shirayey wadanka Koonfur Afrika ugu bishaareeyey in dawladiisu ay diishash satalayt ah ugu tabaruci doonto 10,000 oo tuulo oo ku kala yaala 23 dal oo ka mid ah wadamada Afrika.
Mashruucan oo dawladda Shiinuhu u xilsaartay shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo StarTimes ayaa hadda gabagabo ah iyadoo tuulo walba la siiyey dhiishash bilaash ah oo satalayt-ka ku shaqeeya oo ay ka daawan karaan barnaamijyada laga sii daayi janalada StarTimes iyo talafishanada maxaliga ahba.
Inkastoo hogaamiyaha Shiinuhu balankiisii fuliyey oo uu arintaasi ugu mana sheegan doono madaxda Afrika ee uu haatan kula shirayo Beijing,hadana waxa isweydiintu tahay maxay ahayd ujeedada uu Shiinuhu ka lahaa mashruucan iyo tuulayaashii uu Dhiishashka bilaashka ah ku rakibay naxa ka faaiideen.
Shaki kum jiro in dawladda Shiinuhu ay mashruucan ka rabtay inay ku dhisto sumcadda ay Afrika ku leedahay isla markaana ay ku kasabto quluubta dadyowga Afrikaanka ah.
Runahaantii wuxu noqday mashruuc ay bilowgiiba aad ugu riyaaqeen dadyowga ku nool dalalkii laga hirgalibayey iyo wadamada la jaarka ahba. Tuulayaasha dhiishashka la siiyey ayaa waxa markii ugu horaysay u suurtowday inay satalaytka ka daawadaan wararka, ciyaaraha aduunka, aflaanta iyo barnaamijyada maaweelada ah.

Nasiib darro seh kiradii satalayt-ka (Fiigii) ee ay dawladda Shiinuhu siin jirtay shirkadda StarTimes ayaa waxay ku ekayd 2 sanadood oo kaliya taasoo keentay inay dadkii tuulayaasha ku noolaa ay awoodi kari waayaan inay iska bixiyaan kirada,sidaas darteedna ay u digorogtaan talafishinada maxaliga ah ee bilaashka lagu daawado.
Waxa kale oo iyaana jirta in janalada StarTimes aanay soo duwin ciyaaraha tartanka kubadda cagta ee Ingiriiska (Premier League) oo dalalka Afrika aad looga daawado. Tayada aflaanta iyo wararka caalamka ee StarTimes ayaa qudhidoodu sida la sheegay aanay cajabin dadbadan marka la barbar dhigo janaalada kale.
Inkastoo la odhan karo in Mr Xi Jingpin aanu faaiidadii uu doonayey ka helin lacagtii badnayd ee uu galiyey mashruucan hadana waxa nasiib wanaag ah inay wali bilaash yihiin dhiishashkii StarTimes ee ku xidhnaa dugsiyada iyo baraha caafimaadkaba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*