Maxamed Bin Salmaan Oo Xabsiga Dhigay Xubno Boqortooyada Sucuudiga Ka Tirsan Oo Laga Shakiyey
Riyaadh, March 7, 2020 (Haatuf) – Dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa xidh-xidhay laba xubnood oo ka mid ah Qoyska Boqortooyada Sucuudiga, kuwaas oo looga shakiyey afgambi.
Ragga la xidh-xidhay waxa ka mid ah amiir Ahmed bin Abdulaziz oo ah Walaalka ka yar Boqorka Sucuudiga Salaam Bin Cabdicasiis, Mohammed bin Nayef oo hore u ahaa Dhaxal-sugaha koowaad ee boqortooyada Sucuudiga iyo amiir Nawaf bin Nayef oo ah Ilmaadeer yihiin Dhaxal-sugaha.
Wargeyska Wall Street Journal oo ka soo baxa Maraykanka ayaa baahiyey in Hawl-galka ay Ciidamo gaar ahi sameeyeen lagu qab-qabtay Raggan oo hore saamayn ugu lahaa Boqortooyada Sucuudiga.
Illaa hadda dhab ahaan looma oga sababta keentay Xadhigga Raggan, laakiin Wargeyska ayaa sheegaya in looga shakiyey inay qorshaynayeen Afgambi.
Leave a comment