Maxkamad Ku Socota Dawladda Eritrea Oo $300 Milyan Ka Dhacday Qadar
Washington,August 14,2021(Haatufonline)-Qatar National Bank oo ah baan ay leedahay dawladda Qadar ayaa maxkamad Maraykan ah ka dacweeyey dawladda Eritrea oo ka dhacday lacag dhan $300 milyan oo Doolar oo uu baanku Eritrea amhaah ahaan u siiyey sanadaki 2009 iyo 2010 balse ay dawladda Eritrea soo celin waday marka laga reebo 45 milyan oo ay bixisay balse sanadkii 2012 wixii ka dambeeyey ay joojisay inay daynti iska bixiso habayaraatee.
Sanakii 2018 ayuu baanka QNB uu magaalada London ka furtay dacwad uu xoolihiisii ku doonayo oo uu la tiigsaday dawladda Eritrea waxaanay maxkamaddu sanadki 2019 Eritrea ku xukuntay inay bixiso daynkii iyo dulsaarkii fuulay.Safaarada Eritrea ee UK ayaa looyarkii baanka ee go’aankii maxkamadda u keenay ku xidhay qol oo diiday inay sii dayso ilaa u ogolaanayo inuu waraaqihi maxkamadda dib ula noqdo.Mar kalena nin masuuliinta safaaradda ka mid ah ayaa jeexjeexay ogaysiiskii maxkamadda oo safaaradda dibaddeeda ku tuuray.Garsooraha maxkamadda ayaa dabeeto u ogolaaday looyaradii baanka inay safaaradda boosta iyo email-ka ugu diri karaan waraaqihi maxkamadda.
Hadaba QNB oo tixraacaya go’aankii hore ee maxkamadda London ayaa dacwad kale oo ka dhan ah Eritrea ka furtay Washington taasoo dawladdaas ku xukuntay $300 milyan.Go’aankan ayaa wuxu QNB u saamaxayaa in loo xaraasho hantida ay dawladda Eritrea ku leedahay dalalka dibadda.
- Madaxweynaha Eritrea Asa⁷yaas Afwetki ayaa markii hore balan qaaday qoraal ahaan sanadkii 2019 inay daynka ka bixin doonaan dakhliga kasoo gala god dahabka laga qodo oo ay maamusho shirkad shiine ah oo la yidhahdo Zijin Mining Group Co. Warqaddaas oo Afwerki saxeexay ayaa ka mid ah documents-ka maxkamadda la hordhigay.