Latest News

Maxkamad Ku Taala Maraykanka Oo Jabuuti Ku Xukuntay $200 Million

Washington DC, July 26, 2024 (Haatufonline) – Maxkamadda degmada Columbia ee dalka Maraykanka ayaa Jabuuti ku xukuntay inay bixiso $200 oo milyan oo dollar oo ay shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta ay siiso, xukunka lacagta ayaa qayb ka mid ah oo la bixiyay 2022-kii kadib dhismaha dekeda Dooraale ee Jabuuti oo ku taalla badda cas.

Go’aanka maxkamadda, oo la soo saaray Khamiistii july 25, ayaa oggolaaday codsi aan laga soo horjeedin oo lagu xaqiijinayo xukunka qayb ahaan.

DP World waxa u metelayay Quinn Emanuel Urquhart iyo Sullivan, halka Djibouti oo aan ka qayb qaadan gar-qaadka ay metelayeen Kramer Levin Naftalis iyo Frankel oo ku sugan Washington DC.

Shirkadda DP World ayaa sanadkii hore dacwad ka bilowday maxkamada dalka Maraykanka si ay u dhaqan galiso xukunka qaybta sadexaad ee uu xukumay Australia Zachary Douglas KC. xukunkan ayaa ka dhalatay muran ka dhashay heshiis lagu maamulayo dekedda Dooraale oo ay gacanta ku hayso shirkadda Doraleh container terminal (DCT) oo ay iska kaashadeen shirkadda DP World iyo hay’ad ka tirsan dawladda Jabuuti.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*