Latest News

Maxkamada Ciidamada Somalia Oo Xukuntay Nin Qaraxyada U Kala Gudbiya Al-Shabaab

Muqdisho, June 19, 2022 (Haatufonline) – Maxkamadda Ciidamada Somalia ayaa maanta xukun 15 sanno ah oo ku riday Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun, kaasi oo qaraxyada u kala gudbin jiray kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Waxaanay kooxda Al-Shabaab ay Ninkan u isticmaali jireen qaadista agabyada gawaadhida “spare parts” iyo qaraxyada, waxaana ku dhaawacmay Qarax uu ka soo Qaaday Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo uu soo waday magaalada Muqdisho.

Iyadoo muddo bilooyin ah ay hay’adda Nabad Sugidu ay ka daawaysay dhaawac ka soo gaadhay qaraxaasi, waxaanay 29-kii May ku wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Somalia.
Fadhiga Maxakmadda ee maanta ayaa Maxamed Cismaan oo ka tirsan Al-Shabaab lala keenay cadaymo ay kamid yihiin dhaawiciisa sawirro laga qaaday iyo bur-burka Bajaajtiisa soo gaadhay.
Ninkan ayaa kooxda Al-Shabaab kaga biiray magaalada Beledwayne, waxaana ku qal-qaaliyay nin ay qaraaba-yihiin, waxa uu qaadan jiray 30-40 dollar markii uu kala daabulayo agabyada ay isticmaali jireen iyo qaraxyada, sida ay sheegtay Xeer ilaalinta Maxkamadda Somalia.
Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in loo Naxariisto maadaama aanu fuliya ka ahayn howlaha Al-Shabaab uu wakiilka kaga ahaa, waxaana ugu dambeyntii maxkamaddu ku xuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Connect with us on Facebook