Maxkamada Dastuuriga Ah Ee Somaliland Oo Maanta Qaraar Ka Soo Saartay Qoraal Madaxweynuhu U Gudbiyey

Hargeysa, August 27, 2020 (HaatufOnline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Maxkamada Sare ee dalka u gudbiyey qoraal ku taariikhaysnaa 12/08/2020 oo summadiisu ahayd JSL/XM/MS/100-545/08/2020, kaas oo ujeedadiisu ahayd dacwad dastuuri ah oo ku saabsanayd qodobka 12aad, faqraddiisa 1aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada Xeer Lr.20-2/05 oo uu madaxweynuhu hore ugu gudbiyey Maxkamada Sare.
Sidaa darteed, Maxkamada dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta qaraar ka soo saartay qoraalkii madaxweynuhu u gudbiyey, waxaana uu u dhignaa sidan:-


Leave a comment