Maxkamadda Distooriga Oo Sheegtay In Sharcnimada Furitaanka Ururada Siyaasaddu Dhaqangal Tahay Oo La Furan Karo
![FB_IMG_1642334050236](https://www.haatufonline.com/wp-content/uploads/2022/01/FB_IMG_1642334050236-620x264.jpg)
Hargeysa,January 16,2022(Haatufonline)- Maxkamadda Distooriga Somaliland ayaa qaraar ay maanta soo saartay ku sheegtay in sharcinimadda furitaanka Axsaabta/Ururada Siyaasaddu ay tahay mid dhaqangal ah oo uu xeer 14/2011 jidaybayo in muwaadiniintu furan karaan iyadoon lagu dabrayn doorasho loo qabto dawladaha hoose balse lagu kala dooran doono doorasho toos ah oo ay Gudida Doorashooyinka Somaliland qabato.