Latest News

Mbappe Oo Tababarkii Dib Ula Bilaabay PSG Kadib Markii La Dhameeyey Khilaafkii Isaga Iyo Naadiga

Paris,August 13,2023(Haatufonline)-Laacibka Xulka Faransiiska Kylian Mbappe ayaa dib ugu soo laabtay ka-qaybqaadashada barnaamijkii tababarka ee kooxda Paris Saint-Germain kadib markii la dhameeyey khilaaf u dhaxeeyey isaga iyo maamulka naadigiisa.

Mbappe ayaa doonayey inuu ku biiro naadiga Isbaanishka ah ee Real Madrid hasayeeshee waxa arintaasi si adag isu hortaagay mulkiilaha PSG ee reer Qadar Naasir Al-Khulayfi iyadoo uu ku xidhay in Mbappe ogolaado inuu hal sano ku kordhiyo heshiiskii uu la galay PSG oo ay ahayd inuu dhamaado 2024 taasoo markii uu Mbappe diiday laga joojiyey ka-qaybqaadashada tababarada naadiga. Al-khulaifi iyo Mbaappe ayaa aakhirkii ku heshiiyey in Lacabka loo fasaxo ku biiritaanka Real Madrid sanadka 2024 isaguna ogolaado in si naadigu lacag badan ugu helo iibkiisa uu hal sano ku daro mudada heshiiskii uu Naadiga kula jiray si looga dhigo mid dhammaanaya 2025.

Dhinaca kale waxa jirtay mar bishii hore ah in naadiga Sucuudiga ah ee Al-Hilaal uu wakiilka Mbappe lasoo xidhiidhay iyadoo sida saxaafadda lagu sheegay ay Al-Hilaal ku baayaceen Mbappe lacag gaadhaysa $320 milyan taasoo noqon lahayd tii ugu badnayd ee laacib lagu iibsado .Hasayeeshee wali lama oga halka ay arintaasi ku dambaysay iyo sababta aanay u hirgalin.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*