Midawga Musharixiinta Somalia Oo Waali Ku Tilmaamay Qoraal Ka Soo Baxay Farmaajo
Muqdisho, December 26, 2021 (Haatufonline) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ah Midowga Musharrixiinta ayaa ka hadlay qoraalkii kasoo baxay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in qoraalkii xalay uu soo saaray Farmaajo uu yahay mid waaali ah oo aan miirqab aheyn, islamarkaana dulqaadka dadka Soomaaliyeed ay sameynayaan uu u qaatay dayuusnimo.
Xasan Sheekh ayaa sheegay inay mar hore dadka Soomaaliyeed uga digeen inay ka fiirsadaan cidda ay u dhiibanayaan xilka.
Dhinaca kale Xasan Sheekh wuxuu sheegay in hadalkii shalay uu jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu daba socso kii hore oo uu dalka qatar ku galiyay, isaga oo ugu baaqay in dalka uusan qatar gelin, wixii dhacana uusan la wadaageen Farmaajo.
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday Xasan Sheekh dalacsiintii Madaxweyne Farmaajo taliyha Qeybta Boolisla Gobol Banaadir, wuxuuna si cad u sheegay in Sarkaal aan lagu amri karin in wixii doono uu iska sameysto.