Saliid 1 Milyan Oo Foosto Ah Oo Laga Badbaadinayo Inay Ku Qubato Biyaha Badda Cas
Haatufonline,September 2,2024
Ka dib markii dadaal caalamiya loo galay sidii biyaha Badda Cas looga badbaadinlahaa masiibo deegaan oo ka dhalan karta saliid hal milyan oo foosto ah oo laga cabsi qabo inay kasoo fatahdo taankar ku gubanaya badda dhexdeeda,ayaa kooxda Xuuthiyiintu waxay haatan aqbaleen in taankarka laga jiido badda hadii ay taasi suurtoobi wayadana in shidaalka ku jira lagu wareejiyo taankar kale oo bad qaba.
Taankarkan oo lagu magacaabo Sounion ayaa waxa markii hore ku dhacay gantaalo ay Xuuthiyiintu kusoo rideen 21 August.Dhawr maalmood ka dibna waxay Xuuthiyiintu ku xidheen miino ay ku qarxiyeen taankarkii taasoo sababtay inuu badda ku dhex gubto iyadoo uu Xuuthigu horjoogsaday mar la isku dayey in taankarka la jiido.
Hadaba dawladda Iran ee taageerta Xuuthiyiinta wakiilkooda u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Xuuthigu aqbalay in taankarka wax laga qabto sidii aanu u gaysan lahayn masiibo ku habsata deegaanka.
Dhinaca kale Xuuthiyiinta ayaa beeniyey inay ogolaadeen xabad joojin inta lagu jiro hawsha taankarka waxaanay Isniinta maanta gantaalo iyo drone ku weerareen 2 markab oo marayey meel aad ugu dhaweyd taankarkii Sounion.
Leave a comment