Latest News

Morocco Oo 2-1 Ku Garaacday Canada

Doxa, December 1, 2022 (Haatufonline) – Xulka kubadda Cagta ee dalka Morocco ayaa ciyaar ay caawa la ciyaareen Canada Waxa ay kaga badiyeen Laba Gool iyo Hal.

Ciyaartan oo ka mid ahayd koobka aduunka ee ka socda dalka Qatar ayaa Canada oo ahayd xul tamar badan oo tijaabiyay inaab laga badin, laakiin qaladaad ay sameeyeen kooxdooda oo aan khibrad badan lahayn ayaa keentay in laga badiyo oo ay ka hadhaan koobka aduunka 2022 iyagoo soo galaya kaalinta ugu dambaysa ee Group F ee Morocco.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*