Latest News

Muj, Maxamed Kaahin Oo Ah Gudoomiyaha Kulmiye Oo Booqday Suuqa Idaacadda Oo Xalay Gubtay.

Hargeysa, February 03, 2025 – (Haatufonline)- Hoggaanka Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa maanta kormeer ku soo maray suuqii Idaacadda Hargeysa ee xalay gubtay.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee xisbiga, Mudane, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Faysal Cabdiraxmaan Madar iyo masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan, ayaa tagay goobtii uu ku yaalay suuqii gubtay oo dhabarka ku hayey Dayrka dhanka Bari ee Wasaaradda Waraafinta, halkaas oo ay ku bas beeleen meherado tiro badan oo ganacsiyo kala duwan ka koobnaa.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinga kula hadlay goobta, ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii hantidoodu ku gubatay suuqa khasaaraha gaadhay oo uu Alle Cawil khayr qaba ugu bedelo, isagoo xusay in sidii horeba u dhacday markii suuqa Waaheen gubtay ay shacabka reer Somaliland gacmaha isku qabsan doonaan taageerida dadkii hantidoodu baaba’day iyo dib u habaynta suuqii gubtay. Waxaanu ugu baaqay ganacsatada iyo dadweynaha reer Somaliland in laga qaybqaato taageero laga gaysto suuqa gubtay.

Waxa kaloo Guddoomiyuhu ugu baaqay shacabka, gaar ahaan ganacsatada in wax laga barto suuqyada gubanaya oo laga sii taxadiro, lana qaato talooyinka iyo awaamiirta hay’adaha ki shaqada leh.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*