Nabadda Yaman Waxa Hortaagan Dhaqaalaha Ka Abuurmay Colaadda
Haatufonline,October 7,2024
Xaalaadda duruufaha aadaminimo ee ka taagan
dalka Yaman ayaa lagu tilmaama inay ka mid tahay kuwa ugu xun ee maanta dunida ka jira iyadoo dalkaasi ay ragaadiyeen colaado ka
socday muddo haatan ku dhaw dhaw 10 kii sanadood ee u dambeeyey.
Warbaxintii u dambaysay ee ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxa lagu sheegay in 18.2 milyan oo ka mid ah dadka Yaman ku nooli ay u baahanyihiin in lala soo gaadho gargaar aadaminimo oo deg deg ah taasoo kor u dhaafaysa kala badhka tiradda guud ee dadka ku dhaqan Yaman oo sanadkii 2022 lagu qiyaasay inay maraysay 33.7 milyan.
Dagaalka Yaman ayaa bilaabay sanadkii 2015 ka dib markii ay kooxda Xuuthuyiintu inqilaabeen xukuumaddi sharciga aheyd ee Yaman xoogna ku qabsadeen Caasimaddi dalka ee Sanca taasoo sababtay dagaalka riiqda dheeraaday ee ka dhex qarxay Xuuthiyiinta iyo ciidamada taabacsan xukuumadda sharciga ah oo ay taageerayaan Sucuudiga iyo Imaaraatku.
Waxase jiray dadaalo farabadan oo ay beesha caalamku gashay si heshiis nabadeed iyo xal siyaasadeed oo waara looga gaadho mushkiladda Yaman balse ay dhamaantood wada fashilmeen ka dib markii ay Xuuthiyiintu dadaalkasta carqalado cusub kala horyimaadeen.
Hadaba maxay Xuuthiyiintu ku diidanyihiin in la heshiiyo ?
Inta badan waxa mawqifka nabad-diidka ah ee Xuuthiyiinta loo nesbeeyaa afkaarta ay aaminsanyihiin ee ku qotanta mad-habka Zaydinimada ee Shiicenimada ka farcama iyo waliba xaqiijinta dib-ula-soo noqoshada xukunkii Zaydiga ahaa ee laga inqilaabay 1962, xiligaas oo xukunkii Imaamka lagu badalay nidaam Jamhuuri ah. Dabcan waxay afkaartaas la wadaagaan Aayetulayaasha xukuma dalka Iran ee ay Xuuthiyiintu ka helaan taageerada laxaadka leh.
Hasayeeshee sababta ay Xuuthiyiintu uga caga jiidayaan in xal laga gaadho colaadda ka aloosan Yaman kuma koobna aydiyoolojiyadda(ideology) ay aaminsanyihiin iyo xidhiidhka ay la leeyihiin Iran,balse waxa jirta sabab sadexaad oo iyaduna muhim ah oo inta badan aan loo fiirsan taasoo ah dhaqaalaha balaadhan ee ka abuurma xaaladda dagaal ee ka jirta Yaman ee Xuuthiyiinta soo gala.
Xuuthiyiinta oo qabsaday gobolada waqooyiga iyo galbeedka Yaman ayaa waxay gacanta ku dhigeen dhamaan hantidi iyo ilihi dhaqaale ee dawladdu lahayd ee geyigaasi ka jiray oo ay ka mid yihiin batroolkii dalka laga soo saarayey,kastamadii labad dekadood ee Xudayda iyo Raas Ciise iyo cashuurihii kala duwanaa ee bariga ee dadka laga qaadi jiray. Sanadahan dambana waxa lacag adagi kasoo galaysay ganacsiga hubka iyadoo ay ka iibiyaan dhinacyadda dagaalku ku dhex marayo dalka Sudan iyo ganacsatada hubka ee Soomaalida iyo waliba maleeshiyaadka qabaailka iyo kooxaha argagixisada ah ee Somalia ka jira.
Waxa intaasoo dhan dheer lacagta baadda ah ee ay ka qaadaan ganacsatada iyo waliba raashinka iyo daawooyinka lagu caawiyo dadka tabaaloobay oo ay tujaarta suuqa ka iibiyaan.
Dhaqaalahaas balaadhan ee kasoo gala jawiga colaadeed ee jira awgeed,Xuuthiyiintu uma arkaan in dani ugu jirto Yaman oo nabad dib loogu soo dabbaalo balse waxay u arkaan in dantu ugu jirto dalka oo kusii jira xaaladda dagaal ee ay ku macaasheen.
Leave a comment