Puntland Oo Dad U Xidhay Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lagu Dilay Guddoomyihii Gobolka Nugaal
Garoowe, March 30, 2020 (Haatuf) – Ciidamada ammaanka maamul goboleedka Puntland ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Garowe waxay kusoo qabqabteen dad lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin weerarkii ismiidaaminta ahaa ee xalay lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Gujir.
Puntland ayaa heshay xog la xidhiidhta qofka
ismiidaamiyay sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Puntland, waxaana iyadoo
taas laga duulay ay ciidamada amaanku ay soo xidheen dad looga shakisan yahay
inay xidhiidh dhow la’ leeyihiin ismiidaamiyaha.
Taliyaha ciidanka bilayska Puntland, sareeye gaas Muxyadiin Axmed Muuse ayaa
saxaafada ku hadasha afka maamulka Puntland u sheegay in hay’addaha amnigu
shaqo badan qabteen qaraxa kadib ayna horey u hayeen macluumaad badan.
Xaaladda magaalada Garowe ayaa caadigeedii kusoo laabatay, iyadoo goobta uu
qaraxa ka dhacay dib loo furay saakay, inkastoo ay jirto feejigaan amni oo
heerkeedu aad u sareeyo.
Waxaa goor dhow la filayaa in aas qaran loo sameeyo guddoomiyaha gobolka Nugaal, waxaana ka qeynb galaya madaxda Puntland.
Leave a comment