Puntland Oo Gaadiid Sanado Badan Ku Xanibnaa Deadda Boosaaso Badhna Galmudug Ku Waeejisay Qaybna La Hartay
Garoowe ,August 31,2021(Haatufonline)-Maamul-goboleedka Puntland ayaa dhiggisa Galmudug maalinti doraad ku wareejiyey 8 landcruizer oo kuwa dusha furan ah( pickup) oo midkiiba u ku rakibanyahay qori Dashiika ahi iyo hal ambalaans( ambulance) iyo booyaad.
Gaadiidkan qoryuhu saaranyihiin ee lagu wareejiyey Galmudug ayaa waxa uu kusoo beegmay xili ay ciidamada Galmudug iyo dawladda oo dhinaca iyo kuwa Alshabaab oo dhinaca kale ah ay dagaalo culusi dhawaan ku dhexmareen koonfurta gobolka Mudug waqtigan xaadirka ahna uu jiidahaas dagaalka uu kasocdo abaabul labada dhinacba ay wadaan iyadoo todobaadkii hore ay dagaalyahanada Alshabaab tekniko badan ciidamada Galmudug kaga qabsadeen tuulada Camaara oo ay dib uga saareen ciidamadii dawladda ee halkaasi ku sugnaa.
Hadaba gaadiidka ay Puntland ku wareejisay Galmadug ayaa la sheegay inuu qayb ka ahaa 24 baabuur oo ay dawladdi Xasan Sheekh Maxamuud usoo iibisay ciidanka dawladda ee Galmudug balse imaatinkiisii dekadda Bosaaso u kusoo beegmay xili dagaal magaalada Gaalkacayo ku dhexmarayey maleeshooyin Majeerteen ah iyo kuwo Habargidir ah sidaas darteedna u maamulka Garoowe gaadiidkaasi ku xanibay dekadda Bosaaso ila iyo waqtigaas.Hadaba labada maamul goboleed ayaa markay arkeen khatarta kaga soo fooleh Alshabasb waxay ku heshiiyeen in gaadiidkii xanibnaa ay Puntand badhna wareejiso qoryo jeebkeeda ahna saarto badhka kalena ay iyadu la wareegto.Waxa kale oo labada dhinac isku afgarteen in aan laga5 hadal in gaadiidku ahaa mid ay Garoowe ku taakulaysay Dhusamareeb ama ay markiisii hore lahayd Galmudug oo u Bosaaso kaga xanibna toona.