Latest News

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lala Beegsaday Xero Ciidan Oo Ku Taala Baledweyne.

Beledweyne, June 30, 2024 (Haatufonline) – Qarax Ismiidaamin ah ayaa lala beegsaday Xero Ciidan oo ku taala xaafada Hawlwadaag ee magaalada Baledweyne.
Xeradan ayaa waxa maanta wareejiyey oo hore ugu sugnaa Ciidanka Jabuuti ee ka tirsan hawlgalka ATMIS.
Waxaana markii qaraxu dhacay ku sugnaa Ciidanka Milatariga Somalia.
Qaraxan dhacay maanta galabnimadii ayaa waxa ku dhintay Afar qof, tiro kalena way ku dhaawacantay.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*