Latest News

Qorshaha Dhinaca Badda Ee Wadamada IGAD Ka Seexdeen

Haatufonline,October 30,2023.

Sanadkii 2015 waxa magaalada Djibouti lagaga dhawaaqay Qorshe Istraatiijiyadeed oo ku aaddan Badda oo ay yeelanayaan wadamadama ku bahoobay urur goboleedka IGAD. Qorshahan oo ahaa mid isku dhaffan ( integrated ) oo loogu talogalay inay dalalka IGAD ku shaqeeyaan ilaa sanadka 2030 ayaa waxa ujeedadiisa ugu wayni aheyd sidii la iskaga kaashan lahaa amuuraha soo wada waajaha dalalkaasi (challenges) ee la xidhiidha badaha.

Shan ka mid ah sideeda dawladood ee xubnaha ka ah IGAD ayaa xuduud la leh badda. Sadex shantaa ka mid ah oo kala ah Sudan,Eritrea Iyo Djibouti ayaa waxay ku yaalaan Badda Cas halka labada hadhay ee Somalia iyo Kenya ay xad la leeyihiin oo ay dhinaca galbeed kaga beeganyihiin Badwaynta Hindiya. Waliba Eritrea iyo Djibouti waxay dhinaca koonfur bari ka kulaalayaan marinka istraatiijiga ah ee Baabal Mandeb iyadoo hadana Djibouti iyo Somaliland oo aan xubin ka ahayn IGAD ay xad la wadaagaan biyaha gacanka Cadmeed ee isku xidha badda Cas,Baabal Mandeb iyo Badwaynta Hindiya.

Qorshaha ay dawladaha IGAD dhigteen ayaa ahaa mid leh dhinacyo badan oo wax lagaga qabanayo arimo la xidhiidha badda , waxaana ka mid ahaa qodobada ay culayska saarayaan marinada muhiimka ee badda iyo kaabe-yaashooda xagga gaadiidka iyo adeegaba(maritime domain critical routes & infrastructures),gacan ku haynta iyo maamulka hawlaha badda ( maritime governance ) ,ka-faaiidaysiga dawladaha IGAD ee dhaqaale ee dhinaca badda iyo ilaalinta deegaanka badeed( marine environment protection).

Hadaba waxa muuqata in dawladaha IGAD badankoodu aanay wax badan ka qaban qorshihi ay ku balameen fulintiisa oo qaarkood sida Eritrea iyo Somalia aanay ilaa hadda xagaasba u dhaqaaqin taasoo ay dalalka IGAD ku seegeen fursado qaaliya oo ay ka faaiidaysan lahaayeen. Sida darteed dawladaha IGAD waxa haboon inay boodhka ka tumaan qorshehoodii xagga badda oo adcafal iimaan samaystaan nidaam iyo tas-hiilaad isku-xidha dalalkaasi xagga dhinaca badda taasoo hadii ay timaaddo fududayn lahayd inay sidii hore si ka dhakhso badan ay iskugu gudbaan dadka iyo badeecaduhu oo uu kobco ganacsiga ka dhaxeexa dalalkaasi. Hagaajinta iyo isku-xidhka arimahaasi waxa kale oo uu dhiirigalin lahaa dalxiiska maxaliga ah iyo ka dibadda uga imanaya dalalka IGAD.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*