Qorshaha Shir Ay Qadar Iyo Ganacsatada Xamar Ku Dhexdhexaadinayeen Alshabaab Iyo Maamulka Farmaajo Oo Fashilmay
Muqdisho,March 25,2022(Haatufonline)-Qorshe ay dabada ka riixaysay dawladda Qadar oo ay doonsysay inay ku dhex dhexaadiso ururka Alshabaab iyo maamulka Somalia ayaa fashilmay ka dib markii ay dawladda Maraykanku ay gaashaanka u daruurtay.
Qorshahan waxa dawladda Qadar la waday ganacsatada ugu waaweyn dalka Somalia waxaanay ahayd in wadahadaladu ay ka bilaabmaan magaalada Dooxa ooy halkaas iskugu yimaaddaan masuuliin ka kala socda xukuumadda Somalia,Alshabaab iyo xubno matalaya ganacsatada.
Qorshahan ayaa waxay dawladda Qadar uga wakiil ahaa Mutleq Alqaxdaani oo ah ergayga gaarka ah ee wasaaradda arimsha dibadda ee dalka Qadar u qaabilsan arimaha dhexdhexaadinta colaadaha iyo ururada argagixisada.
Alqaxdani ayaa mashruuciisan wuxu ogolaysiiyey madaxweynaha mudadiisu dhamaatay ee Farmaajo markii uu Villa Somalia kula kulmay bishi March 2021.
Alqaxdaani ayaa kaalin muhiim ah ku lahaa dhexdhexaadinta Taalibaan iyo xumuumaddi Afgaanistaan ee ay talada ka tuureen iyadoo Qadar lagu eedeeyo in aanay marnaba daacad ka noqon dhexdhexaadintaasi oo ay hoosaasinasay xukuumaddi Afgaanistan ee xiligaa iyo Maraykankyba si ay Taalibaan dalka u qabsato.