Raysal wasaaraha Itoobiya oo ka badheedhay damiciisa dekeda Saylac
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa goor dhoweyd khudbad uu ka jeediyay taleefishinka ka hadlay muhiimadda ay Itoobiya u leedahay in laga wadahadlo marinka badda cas. Waxa uu ku nuux-nuux saday in Badda Cas sida Niilka oo kale ay muhiim u tahay horumarka dalka, isla markaana aan loo qaadan in laga doodo.
Abiy ayaa carabka ku adkeeyay in badda cas iyo wabiga Niil ay ku xidhan yihiin mustaqbalka Itoobiya ayna keeni karaan nabad, midnimo iyo barwaaqo Geeska Afrika. Abiy waxa uu ku macneeyey in baahida Itoobiya ee marin-u-helidda Badda Cas ay salka ku hayso arrimo juquraafi, taariikheed, qoomiyad iyo dhaqaale, oo ay xitaa ku caddahay axdiga Qaramada Midoobay.
Wuxuu carabka ku adkeeyey in helitaanka badd ay si weyn kor ugu qaadi karto GDP-ga Itoobiya, hadaan lafalanqaynina ay khatar ku tahay mustaqbalka dalka. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku baaqay wadahadal furan iyo qaab nabadeed suurta galiya helitaanka marinka Badda Cas, isagoo soo jeediyay fursado kala duwan oo ay ka mid yihiin heshiisyo ay ku jiraan in la wadaago faa’iidooyinka kheyraadka, sida biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam, Ethiopian Airlines, iyo Ethio-telecom.
Wuxuuna carabka ku adkeeyey in ay muhiim tahay in laga wadahadlo arrinkan si loo sii wado loona xaqiijiyo horumarka Itoobiya. Abiy waxa uu sidoo kale soo jeediyay xal ay ka mid yihiin federaal ama isbahaysi ay la yeeshaan Eritrea, taasoo muujineysa xidhiidh wadaag dhaqameed ee gobolka.
Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay in wada-hadalladan ay noqdaan kuwo nabadeed, isla markaana aysan Itoobiya dani ugu jirin in xoog loo adeegsado. Isku soo wada duuboo khudbadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay Itoobiya u leedahay helitaanka marinka Badda Cas, isaga oo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la helo wada hadal furan iyo habab nabadeed si loo xaqiijiyo helitaankan horumarka iyo barwaaqada dalka.
Xigasho: addisstandard
Leave a comment