Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Maraykanka

Muqdisho, July 17, 2022 (Haatufonline) – Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay maanta safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Larry Andre.
Waxaana kulanka labada masuul lagaga hadlay xoojin xidhiidhka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Maraykanka, gaar ahaana Amaanka iyo abaaraha ka jira Soomaaliya.
Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in dowladdiisu ka go’an tahay xoojinta xidhidhka labada dal iyo taageerada ay siiso Soomaaliya.