Sababta Keentay Duqayntii Dhawaan Lagu Fuliyey Doon Ku Sugnayd Biyaha Somalia

Haatufonline,April 27,2025
Waxay ahayd April16,2025 markii ay ciidamada Africom duqayn cirka ah ku fuliyeen dooni wayn iyo mid yar xili ay labaduba ku sugnayeen gudaha biyaha badda ee Somalia iyadoo sida la sheegay ay doonyahaasi hub u sideen ururka Alshabaab.
Inkastoo Africom sheegtay in hub casri ahi saarna doonyaha oo duqayntana ay isla ogaayeen Xukuumadda Somalia, hadana waxa la isweydiinaya sababta ku kaliftay in xoogaga Somalia ka caawiya la dagaalanka argagixisadu ay markii ugu horaysay duqayn ka fuliyaan gudaha biyaha Somalia.
Hadaba xogo dheeraad ah oo mar dambe soo shaac baxay ayaa sheegaya in hub culus oo khatar ah oo Xuutiyiintu soo gudbiyeen oo lagu soo sameeyey Iran uu saarnaa doonta wayn, waxaana lagama maarmaan noqotay in labada doonyood cirka laga duqeeyo si looga gaadho in hubkaasi Alshabaab gacanta ugu galo .
Xoogaga caalamiga ah ee ku sugan badda ayaa waxa caado u ahaan jirtay inay joojiyaan oo ay baadhaan doonyaha iyo maraakiibta ay ka shakiyaan inay hub u sidaan Yaman oo ah dal ay saarantahay cunoqabatayn xagga hubka ahi,iyadoo hubka laqabto ay gubaan,doonyahana ku wareejiyaan ciidanka ilaalada badda ee Yaman .
Waxa seh laga yaabaa in dhacdadan ugubka ah ee kor ku xusani aanay noqon tii ugu dambaysay ee nooceeda ah balse ay u horseeddo nidaam cusub oo kii hore wax ka badalaya gaar ahaan marka la hayo xog 100% sugan oo lugu hawlgali karo.
Leave a comment