Sababta Takulaynta Xuutiyinta Loo Wado Looga Soo Dajiyo Xeebaha Somalia

Haatufonline,March 9
2025
Dalka Iran(Eeraan) taakulaynta hubka ee ay Xuutiyiinta siiyaan waxay wayihii hore usoo marin jireen oo kaliya sadex dariiqadood (1) Xadka dhulka ah ee u dhaxeeya dalka Cumaan iyo Yaman iyo (2) Xeebaha gobalada Xadramood,Shabwa iyo Laxaj ee Koonfurta Yaman (3) Xeebaha Waqooyiga Yaman ee Xuutiyiinta hoosyimaadda.
Dhamaan hubkaasi marka uu soo gaadho xadka Cumaan ama xeebaha Yaman waxa Eeraaniyiinta kala wareegi jiray shabakado ka shaqaysta kontarabaanka iyo tahriibta kuwaasoo soo gaadhsiin jiray Xuutiyiinta.
Waxa seh dhici jirtay in ciidamada bada ee caalamiga ah ee ku sugan mandaqadu ay mararka qaarkood gacanta ku dhigi jireen doonyo ama maraakiib ay saaranyihiin hub iyo qalab Xuutiyiinta looga soo raray dekadah Iran.
(Dhamaan hubka casriga ah ee ay Xuutiyiinta adeegsadaan sida diyaaradaha darooonka iyo gantaalaha ridada dheer waxa ku taakuleeya dalka Iran). Hadaba sii loo jiho habaabiyo ciidamada badda ee caalamiga ah ee ku sugan xeebaha Cumaan iyo Yaman waxay Eeraaniyiinta iyo Xuutiyiintu la macaamileen shabakadaha hubka u tahriibiya dhinaca Somalia gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka Puntland.
Macaamilkan ayaa waxa uu Iran u saamaxay inay hubka usoo rarto jihada xeebaha Puntland si aanay ciidamada caalamiga ahi uga shakiyin iyadoo marka uu hubku soo gaadho Puntland-na dib loogu soo raro doonyo yar yar oon ishu qaban oo geeya xeebaha Yaman oo dabeeto halkaas Xuutiyiinta looga si tahriibiyo.
Waxa seh sanadahan dambe heshiiyey Xutiyiintii iyo faraca Alqaacida ee Yaman.
Labadan kooxood oo ay awal u dhaxaysay cadaawad dhinaca siyaasadda iyo mad-habka ahi ayaa gaadhay isfaham ah inay isu kaashadaan dagaalka uu midwalba dhinaciisa kula jiray dawladda sharciga ah ee Yaman iyo xoogaga u dhaqdhaqaaqa dibu soo celinta madaxbanaanidii Koonfurta Yaman(Cadan) ee lagu magacabo STC.
Heshiiskan ayaa waxa uu keenay in Xuutiyiintu ay faraca Alqaacidida Yaman waxa ka siiyaan hubka casriga ah ee ay Iran ka helaan,faraca Alqaacida oo xariif ku ah kontarabaankuna isna xilqaado inuu Xuutiyiinta usoo tahriibiyo hubka ay Iran keento xeebaha Koonfurta Yaman halkaasoo uu faracu inta badan ka hawlgalo.
Faraca Alqaacida waxa kale oo uu isku xidhay Xuutiyiinta iyo Alshabaab taasoo keentay in Alshabaab xil iska saaraan inay Xuutiyiinta usoo tahriibiyaan hubka Iran ee la keeno xeebaha Puntland Xuutiyiintuna ay Alshabaab siiyaan hub casri ah isla markaana hukaas ku tababaraan Yaman gudaheeda.
Isfahamkaas dabadeed waxay Alshabaab Xuutiyiinta wakiil uga noqdeen gancsiga hubka yar yar ee Xuutiyiintu usoo diraan dinaca Somalia.
Leave a comment