Latest News

Saraakiil Masaari Ah Oo Booqday Feerfeer Iyo Xeebta Ay Saldhigga Ka Dhisanayaan

Muqdisho,July 21,2024(Haatufonline) – Saraakiil militari oo Masaari ah oo uu horkacayo taliyaha Sirdoonka Somalia Abdillahi Mohamed Sanbalooshe ayaa Arbacadii (17/7/2024) booqasho ku tagay tuulada Maxamuud Gacan oo ku-dhawaad 4 km u jirta magaalada Feerfeer ee ku taala xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo Somalia.
Saraakiisha Masaarida ah ayaa sidoo kale hore usoo booqday goob ay Masaaridu waydiisteen dawladda Somalia inay ka dhistaan saldhig iyo madaar militari taasoo ku taala xeebta u dhaxaysa Jasiira iyo Marka ee Muqdisho kaga beegan dhinaca galbeedka.

Dhulka saldhiggan loo qoondeey oo dhan 256 KM2 ayaa waxa hada kasocda dhismaha dayr silig ah oo lagu wareejinayo kadib markii laga raray dadkii halkaas deganaa.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dawladda Somalia oo ku saabsan booqashada ay saraskiisha ciidan ee Masaaridu waqtigan xaadirka ah ku joogaan dalka Somalia. Hasayeeshee labada dawladood ee Somalia iyo Masar ayaa bishi January ee sanadkan kala saxeexday heshiis militari oo aan qodobadiisa la shaacin balse uu golaha wasiirada ee Somalia uu Jimcihii dhawaa duuduub ku ansxiyey.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*