Latest News

Shacbiga Galmudug Oo Iskugu Soo Baxay Dibadbax Weyn Oo Lagaga Soo Horjeedo #Alshabaab

Gaalkacayo August 25 2021( Haatufonline)-Dibadbax balaadhan oo lagaga soo horjeedo ururka Alshabaab ayaa maanta ka dhacay caasimadda gobolka Mudug ee dawlad goboleedka Galmudug.Boqolaal dad ah ayaa iskugu soo baxay wadooyinka magaalada iyadoo ay ku dhawaaqayaan erayo ay ku cambaaraynaan argagixisada Alshabaab isla markaana ku cabirayaan taageerada ay u hayaan ciidamada dawladda ee dagaalka kula jira Alshabaab.

Isku soo baxan shacabku dhigeen oon hore loo arag ayaa loo arkay inuu ka turjumayo nacaybka ay dadweynuhu u qabaan ururka Alshabaab ee waxyeelada ugu badan ee u geystaa ay ku dhacdo dadka rayidka ah.

Dibadbaxa shacbiga Gaalkacayo ay iskugu soo baxeen ee ay ku diidanyihiin Alshabaab ayaa kusoo beegmay xili ay dagaalo cul culusi ka socdaan koonfurta Mudug kuwaas oo dhex maraya ciidamada Galmudug oo ay taakulaynayaan ciidanka sida gaarka sh loo tababaray ee Danab iyo dagaalyahanada Alshabaab iyadoo dagaalkii u dambeeyey u shalay ka dhacay tuulada Camaara halkaas oo uu khayaare xoog lehi kusoo gaadhay ciidanka argagixisada.Siday sheegeen saraakiisha dawladdu,ujeedada hawlgalada ay ka wadaan Mudug ayaa ah sidii Alshabaab looga wada sifayn lahaa gobolka iyadoo arintaa shicib iyo dawladba la isku raacsanyahay taasoo ay saraakiishaasi ku tilmaameen arin  mudan in dawlad-goboleedyada kale ay Galmudug kaga daydaan si argagixisonimada dalka looga cidhibtiro.

 

 

Connect with us on Facebook