Shiinaha Oo Dalalka Afrika Ka Hirgaliyey Gumaysi Cusub Oo Dhaqaale Ku Dhisan
Haatufonline,March 8,2023.
Waxay aheyd dabayaaqadii lixdamaadkii ee qarnigii 20-aad markii uu gabalku u dhacay xukunkii isticmaarka ee reer Yurub ku haysteen dalalka Afrika.Laakiin la isma lahayn waxa iman doonta marka qarniga 21-aad la gaadho in dalka Shiinuhu uu Afrika ku qabsan doono gumaysi ka baaxad weyn kii Yurub oo laakiin ku dhisan dhaqaale.
Dalka Shiinuhu waxa u noqday quwadda dhaqaale ee labaad ee aduunka ka jirta iyadoo uu Maraykanku yahay ka kowaad. Hadaba si ay dawladda Shiinuhu u ilaaliso kobaca wax-soo-saarkooda dhinaca warshadaha iyo taknaloojiyada waxay uu baahdeen inay gacanta ku dhigaan oo ay ka faaiidaystaan macdanta,saliidda iyo khayraadka kale ee ku duugan dhulka qaaradda Afrika.
Shiinuha oo meel fog wax ka eegaya ayaa waxa uu go’aansaday inuu daymeeyo dalalka Afrika iyadoo uu amaahinayo lacago aad u farabadan oo ay ku dhistaan kaabeyaasha dhaqaale sida wadooyin,madaaro,dekado, isgaadhsiin iwl.Waxase inta badan dhacda in dalalka Afrika ay iska bixin kari waayaan daymihii ay Shiinaha ka gurteen.
Jay Kimar Verna oo ah khabiir ku takhasusay arimahan ayaa waxa uu sheegay in Shiinuhu u amaahda u bixiyo ku xidho shuruudo isaga u dan ah oo laakiin marka dambe caqabad ku noqda dalkii amaahda qaatay sidii u isaga bixin lahaa daynkii lagu lahaa.
Sanadkii 2003 maalgalinta uu Shiinuhu galiyey Afrika waxay taagneyd $490 milyan oo kaliya.Sanadkii 2018-na waxay gaadhay $46.1 bilyan ama milyaar. Mudadi u dhaxaysay 2000 ilaa 2019 waxa ay dawladda Shiinuhu dalaka Afrika amaahisay lacag gaadhaysa $153 bilyan.
Sida u sheegay Jay Kimar Verna dalal badan oo Afrikaan ah ayaa haatan waxay mushkiladi ka haysata sidii ay daymihii ay galeen isaga bixin lahaayeen.
Waxaanu tusaale ahaan yidhi “kharashkii dhismaha tareenka isku xidha Ethiopia iyo Djibouti ayaa intuu kordhay oo hadana kordhay ayaa waxa uu gaadhay heer u dhigma afar dalool oo meel misaaniyadii sanadkii 2016 ee dawladda Ethiopia. Kaaga darane kharashkii uu tareenku ku shaqaynayey ayaa waxa uu gaadhay $70 milyan sanadkii halka uu sanadkii 2019 soo hooyey $40 milyan oo kaliya”.
Verna waxa kale oo u sheegay in dalka Nigeria iyo 17 dal oo kale oo Afrikaan ahi ay amaahihii Shiinuhu ku lahaa kusoo celin kari waayeen mudooyinkii loo qabtay oo ay Shiinaha ka dalbadeen inuu hoos u eego daymaha lagu leeyahay.”Sidoo kale waxa afar jibaarmay qiimaha qandaraaskii lagu heshiiyey in lagu sameeyo tareen isku xidha caasimadda Kenya ee Nairobi iyo dekadda Mombasa”.
Hadaba waxay u muuqataa in dawladda Shiinuhu ay aakhirka dhaqaale ahaan kula wareegi doonto dalalka Afrika hadii aanay Afrikaanku ka tabaabushaysan khatartan kusoo fool leh jirtaanka madaxbanaanidooda iyo qarannimadooda.
Leave a comment