Shiinaha Oo La Sheegay Inay U Dhaceen Xogo Xasaasi Ah Oo Dawladda Kenya Leedahay Iyo Labada Dal Oo Beeneeyey
Nairobi,June 4,2023(Haatufonline)-Dad badan oo Kiniyaan ah ayaa wali waxa dhagahooda ka guuxaya war ay wakaaladda wararka ee Reuters soo daabacday 24-kii May 2023 oo sheegayeey in loo dhacay xoogo sir ah oo ay lahayd dawladda Kenya ka dib markii ay gacmo shisheeye oo loo tirinayo dalka Shiinuhu ay jabsadeen xidhiidhadii shabakadda internet-ka ee ay sideed ka mid ah hayadaha dawladdu isku dhafsan jireen macluumaadka iyo xogaha gaarka ah.
Ilaha ay Reuters soo xigatay waxa ka mid ah khabiir Kiniyaan ah oo ku takhasusay Cybersecurity kaasoo sheegay in dawladda Kenya ay dabayaaqaddi 2019 u xilsaartay inuu soo qiimeeyo xadiga u gaadhsiisan yahay macluumaadka dawladda ee loo dhacay isla markaana u soo ogaado cidii jabsatay.
Inkastoo labada dawladood ee Shiinaha iyo Kenya ay beeneeyeen warkaasi,hadana hadal haynta arintan ayaa daba dheeraatay kadib markii ay wakaaladda Reuters ku adkaysatay jiritaanka xaqiiqada warkeedaasi.
Sida la ogsoonyahay dalka Shiinaha ayaa Kenya amaahiyey lacago badan oo lagu maalgaliyey mashaariic lagu dhisay qaar ka mid ah kaabeyaasha dhaqaalaha sida wadooyin iyo tareeno,waxaana daynka Shiinuhu ku leeyahay Kenya u marayey bishii January $34 billion. Hasayeeshee iska-bixinta daymankan ayaa culays badan ku haya dawladda Kenya iyadoo sida la sheegay aanay mashaariicdii lagu fuliyey aanay wali gaadhin heer ay dhaqaale ahaan isbixin karaan.
Hadaba warbixinta Reuters ayaa waxay sababta Shiinaha u gaysay inay basaasaan hayadaha dawladda ku sheegtay in Shiinuhu doonayey inuu ogaado siday dawladda Kenya ugu talo jirto inay iskaga bixiso daynka lagu leeyahay iyo waxa Nairobi siyaasad ahaan arintaasi meel uga yaala.
Leave a comment