Shir Lagaga Hadlay Amniga Guud Ee Dalka Oo Ka Qabsoomay Taliska Ciidanka Booliska JSL

Hargeysa, October 4, 2023 (Haatufonline) – Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka qabsoomay Shir ballaadhan oo lagaga hadlaaya Amniga guud ee dalka.
Waxaana kasoo qayb Galay Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi , Waxaana ugu horrayn warbixin lagaga dhagaystay hoggaamada , Taliye qaybeedada iyo kuwa Saldhigyada .
Waxaan si qoto-dheer loogaga hadlay xaaladda amni ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa shaqooyinka muhiimaka ah ee Ciidanka Boolisku dalka u hayaan.
Waxaana laga soo saaray qodobo muhiima oo lagu xoojinaayo xaaladda Amni ee dalka .
Leave a comment