Shirkadaha Isgaadhsiinta Iyo Dawlada Somaliland Oo Heshiis Kala Saxeexday
Hargeysa, February 8, 2022 (Haatufonline) – Shirkadaha Isgaadhsiinta ee ka hawlgala dalka iyo Dawlada Somaliland ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan wadaagista iyo horumarinta Xadhiga Internetka ee Fiber Optica oo ay shirkada Somcable ay hirgalisay.
Heshiiskan cusub ee ay wadagaadheen saddexda shirkadood ee Somcable, Telesom, Somtel iyo dawlada Somaliland ayaa dhigaya in 95% ay shirkaduhu yeeshaan, halka dawladuna 5% ay yeelato Maamulka iyo lahaanshaha Fiber Opitca.
Sida uu sheegay Wasiitka Isgaadhsiinta Somaliland Cabdiwali Sherkh Cabdilaahi Suufi, kaas oo timaamay in ka Wasaarad ahaan ay farxad u tahay in la gaadho heshiiska maamulka iyo lahaanshaha Fiber Optica.
Waxaanu Wasuurku intaa ku daray in heshiiskan saddexda shirkadood iyo dawladu uu dhigayo in la gaadhsiiyo Internet xawaare leh gobolada dalka, isla markaana kor loo qaado dhamaan adeegyada la xidhiidha Internetka.