“Shirkadd Kasta Oo Sharciga Somaliland Soo Marta Waanu La Shaqaynaynaa, Dawladd Kasta Oo Somaliland Far Ku Xagata, Anaguna Shan Ayaanu Ku Xaganaynaa” Madaxweynaha Somaliland
Hargeysa, August 26, 2024 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay amaro ku socota ganacsatada oo maalmahan ay soo saaraysay dawladda Somalia, waxaanu sheegay Madaxweyne biixi in dawladda Xamar ee Magacanta ugu jirta Afrikaanku ay caadaysatay talo Xumo.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu intaasi ku daray in xukuumad ahaana iyo shacabka Somaliland aanay u qaadan doonin talo xumada Xasan Sheekh Maxamuud cadaawad ka timid shacabka Somalia, balse ay u qaadanayaan colaad ka timid koox siyasiyiin ah oo jar ka tuuraya hoggaankii loo dhiibay.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadalkan ka jeediyey munaasibad xadhiga lagaga jarayey Xabsi laga dhisay magaalada Hargeysa ayaa yidhi
“Maalmahan dawladda Xamar ka dhisan ee magacanta ugu jirta Afrikaanka ayaa todobaadkan aad inoogu hanjabaysa, talo xumada koowaadna waa madaxweynaha Xamar jooga isaga oo aan xamar ka xukumin gurigiisa ayuu meel walba ka sheegaya inuu Somaliland ka saaray waraaqo uu leeyahay Somaliland diyaaradi ma tagi karto baanankuna ma tegi karaan, waana naftii hafar gurigiisa aan xukumi Karin, somalilandna halkaasi gaadhsiinayaa.
Laba qodob ayaa halkaa ku jira, horta anagu Somaliland hadaanu nahay dheg u dhigi mayno, haduu Somaliland cunaqabatayn karayo bari hore ayuu intaba fulin kari lahaa, markaa waxaad maanta moodaa inuu wixii afkiisa ka soo baxaba uu Somaliland ku soo qaadanayo, waxa anaga iyo shacabka Somaliland u qaadan mayno colaad ka timid shacabka Soomaaliyeed, waxaanu u qaadanaynaa colaad ka timid koox siyaasiyiin ah oo isku duubaya hoggaanka oo jar ka tuuraya.
Qodobka labaad waxa weeyi shirkadd kasta oo dalka ka shaqaysa ama diyaarad ha lahaato ama lacag ha xawilayso ama xoolo ha dhoofisee sharciga Somaliland soo marta waanu la shaqaynaynaa, dawladd kasta oo Somaliland Far ku xagata anaguna shan ayaanu ku xaganaynaa.
Anagu sharci caalamiya ayaanu raacaynaa oo Somaliland xuduudeeda Biyaha iyo Barigaba waa la yaqaanaa, halkaa wixii soo dhaafa ee gardaro ula yimaadana waanu iska war helaynaa ” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriadda Somaliland.
Leave a comment