Latest News

Sirdoonka Maraykanka Oo Walaac Ka Muujiyey Hub Xuutiyiintu U Gacan Galiyeen Al-shabaab

Sanca, June 12, 2024 (Haatufonline) – Sirdoonka Maraykanka ayaa walaac xoogan ka muujiyay, qorshe ay doonayaan Xuutiyiinta dalka Yemen, inay hubeeyaan kooxda xagjirka ah ee Alshabaab oo ka dagaalama Somaliya.
dawlada Maraykanka, ayaa waqti xaadirkan ku hawlan, inay oogaato, in Xuutiyiintu ay hub u geeyeen Alshabaabta Somaliya. Iyadoo dawlada Iran ay door ka ciyaartay taakuleynta kooxahan.
Todobaadyaddii u dambeeyey Maraykanka, ayaa soo saarayay digniino u dirayo saaxiibadiisa gobolka, oo ku saabsan xidhiidhka iyo wadahadallada dhexmaray Kooxaha Xuutiyiintiinta iyo Al-Shabaab, inkastoo waddaamada Afrikaanku ay horeeba uga walaacsanaayeen wararkan isa soo taraya.
Shixnadaha Hubka ee ay Xuutiyiintu ka dejisay Somaliya, ayaa u ah kooxda Yaman Ilo dhaqaale, kaddib markii dawlada Maraykanku ay dedaal badan ku bixiso inay godoomiso kooxda Xuutiyiinta, si aanay hawlagaladoodu u guulaysan.
warbixintan ku saabsan xidhiidhka dhexmaray Xuutiyiinta iyo Alshabaab, ayaa laga soo xigtay Saraakil saresare oo Maraykanka ah.
Si kastaba ha ahaatee Saraakiisha Maraykanku si dhab ah umay ogaan nooca hubka ee loo gacan geliyay Alshabaab. balse waxay filayaan in Alshabaab ay soo gaadheen hub u Badan Hobiyaasha iyo gantaalaha garabka laga rido, inkastoo ay Xuutiyiintu caan ku yihiin isticmaalka diyaaradaha Doooniska ee badda dusheeda iyo hoosteeda ba mara iyo gantaalaha Balastica ah ee qaaradaha iskaga gudbaa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*